Kenya Oo Kismaayo Ku Dhexdhexaadin Doonta Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Image

Kismaayo – Waxaa magaalada Kismaayo laga sugayaa maanta  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, booqasgadaan ayaa noqon doonta middii ugu horreysay ee uu ku tago xarunta Jubaland tan iyo intii dib loo doortey Axmad Madoobe.

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland uu muddo dheer cakirnaa, kadib markii Villa Somalia ay dib u doorashadii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku tilmaantay mid sharci darro ah, isla markaana ay soo saartay go’aan maxkamadeed oo lagu amray in la soo qabto madaxweynaha Jubaland, iyagoo mar  dambe ku eedeeyay inuu la shaqeeyo kooxda Al-Shabaab.

Intii uu socday khilaafkaasi, Dowladda Federaalka ayaa ciidamo u dirtay degaanka Raaskaambooni iyada oo damac ka lahayd in ay ku qabsato magaalada Kismaayo. Si kastaba, isku daygaasi ayaa ku dhammaaday fashil ciidan iyo mid siyaasadeed, waxaana ay sababtey in  ciidamadii loo diray Raaskambooni markii dambe ka gudbeen xadka Kenya la wadaagto Soomaaliya, iyagoo halkaas isku dhiibay.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa ku soo rogtay magaalada Kismaayo cunaqabateyn dhinaca duulimaadyada ah, taas oo illaa hadda keentay inaysan jirin diyaarad toos uga timaadda dalka Kenya oo degta garoonka Kismaayo. Waxaa intaa dheer, dhaqdhaqaaqyo ciidan dowlada Federaaka ka sameysay gobolka Gedo, halkaas oo Villa Somalia ay adeegsaneyso saraakiil iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaas si ay u xoojiso saameynta dowladda ee gobolka.

Xogaha diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in qorshaha hadda  magaalada Kismaayo lagu kulmiyo Madaxweynaha Federaalka iyo Madaxweynaha Jubaland, ay ka soo shaqeeyeen dalalka Kenya iyo Itoobiya — oo Gedo xuduud la leh. Labada dal ayaa Dowladda Federaalka u sheegay in aysan dooneyn xasillooni darro ka dhalata gobolka Gedo, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay fududeeyaan wadahadallada labada hoggaan.

Kenya ayaa la sheegay in ay hoggaamineyso dadaalladaasi, madaama xiriir dhow la leedahay maamulka Jubaland. Wadahadalladan waxaa bilihii la soo dhaafay si qarsoodi ah u maamulayay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee dalka Kenya, Nuradin Maxamed Xaaji, kaas oo la filayo inuu goob-joog ka noqdo kulanka maanta ee Kismaayo kaas oo dhexmari doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ay mas’uul ka yihiin amniga guud ee magaalada inta lagu jiro booqashada Madaxweynaha Federaalka.

Dhanka kale, kulanka maanta ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo xubnaha Madasha Mucaaradka ay dhowaan magaalada Nairobi ku yeesheen kulan lagu dhisey isbahaysi siyaasadeed, kaas oo lagu sheegay in uu diiradda saarayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo hab-raaca xilliga kala guurka.

Ugu dambeyn  socdaalka maanta ayaa noqon doono mid lagu tijaabinayo sida uu u kobci karo kalsoonida siyaasadeed ee u dhexeysa Jubaland iyo Dowladda Federaalka muddo xileedkeedu gababaasiga yahay — balse sidoo kale, la is waydiinayo inuu  noqon karo mid daaha ka qaada khilaafka weli hooseeya ee u dhexeeya madaxda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM