Khabiir QM ah oo ugu baaqay Beesha Caalamka in aan Soomaaliya lagu Hilmaamin Dagaalka Argagaxisada
MUQDISHO (GO) – Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado culus oo dhanka amniga ah, iyadoo ay weli ka jiraan khataraha Al-Shabaab iyo Daacish, sida uu sheegay khabiir sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, oo booqasho ku yimid dalka.
Ben Saul, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan horumarinta iyo difaaca xuquuqda aadanaha, ayaa muujiyay taageero uu la garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladda, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in aysan Soomaaliya kaga tegin dagaalka ay kula jirto kooxaha xagjirka ah.
Saul wuxuu sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin badan oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada, sida howlgallo milatari, hawlgallada sharci fulinta, wacyigelin ka dhan ah xagjirnimada, iyo la tacaalidda sababaha dhalinta argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in waddanku uu la daalaa-dhacayo caqabado dhinaca amniga iyo agabka ah.
Khabiirkan QM wuxuu si gaar ah uga digay sharciyo uu sheegay in ay yihiin kuwa si xad dhaaf ah u qeexaya dambiyada argagixisada, kuwaas oo sidoo kale awood fara badan siinaya hay’adaha sirdoonka iyo amniga, taasoo halis ku noqon karta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xitaa kiisaska aan dilka lala xiriirin lagu xukumo dil, taasoo aan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah.
Intii uu ku sugnaa dalka, Saul wuxuu helay warbixino ku saabsan xarig aan sharciyeysneyn, xadhigyo dheer oo aan maxkamad la hor keenin, dad aan helin qareen, dad la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, jirdil lagu hayo xabsiyada, iyo adeegsiga awood xad dhaaf ah oo ciidamada amnigu gaysteen.
Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ballaaran oo ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah carruurta ee lagu sameeyo goobaha dagaalka, kuwaasoo ay ka mid yihiin dilal, dhaawacyo, kufsi, iyo askareyn qasab ah.
Saul wuxuu si gaar ah u dhaliilay in maxkamadaha milatariga loo adeegsado kiisaska argagixisada iyadoo aan la helin hannaan cadaaladeed oo madax-bannaan. Xabsiyada dalka, ayuu intaa ku daray, kama turjumayaan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda maxaabiista.
Inkasta oo uu bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan, haddana wuxuu muujiyay walaac ku saabsan awoodda ciidan ee aan lahayn nidaam sharci oo cad oo ilaalinaya xuquuqda bini’aadamka, gaar ahaan marka ay la shaqeynayaan maleeshiyaad beeleed.
Saul wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay hirgeliso barnaamijyo dib-u-dajin iyo nafaqayn ah oo loogu talagalay dadka ka soo baxa ururrada xagjirka ah, gaar ahaan haweenka la kulmay tacaddiyada jinsiga ku saleysan.
Wuxuu sidoo kale ka digay in sharciyada la dagaallanka maalgelinta argagixisada ay carqaladeyn karaan gargaarka bini’aadantinimo ee lala gaarsiiyo dadka nugul. Sidoo kale, wuxuu xusay in xeerarkaasi ay cabsi galiyeen warbaahinta iyo ururrada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha.
“Waxaan ku dhiirrigelinayaa dowladda Soomaaliya in ay dhisto hay’ado madax-bannaan oo la xisaabtamo dhammaan hay’adaha la dagaallama argagixisada, isla markaana kor u qaado dadaallada lagu wajaho sababaha xagjirnimada, laga shaqeeyo nabadaynta, iyo dowladnimo ka qaybgal ah,” ayuu yiri khabiirka QM.
Khabiirkan QM wuxuu sidoo kale uga digay beesha caalamka in aysan ka leexan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, xilli ay jiraan xanibaado dhaqaale oo ay sameeyeen qaar ka mid ah deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
“Waqtigaan waa xilli xasaasi ah oo u baahan in beesha caalamka ay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo sharciga, loo sugo nabad waarta, loona ilaaliyo xuquuqda aadanaha iyadoo la wajahayo argagixisada,” ayuu yiri.
GAROWE ONLINE