Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ee qaraxii Liido oo la shaaciyay

Image
Ciidamada ayaa toogtay 5 Al-Shabaab oo ahaa dableydii weerarka soo qaaday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Ammaanka ayaa xalay waxay soo afjareen weerar ay kooxda Al-Shabaab ay kusoo qaadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. 

Ciidamada ayaa toogtay 5 Al-Shabaab oo ahaa dableydii weerarka soo qaaday halka mid kale kalena uu naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku caweynayey. 

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in 35 qof ay ku nafwaayeen weerarka isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 60 kale.

Dhinaca kale Ciidammada ammaanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa ay Al-Shabaab ku diyaarsadeen banaanka xeebta Liido halkaas oo dadka loo diidey in ay gaaraan.

"Waxaa ciidammada ay gacan ka geysteen in dhaawacyada loo gurmado oo isbitaallada la geeyo," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Laamaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM