Kheyre: Xasan Sheekh waa inuu joojiyaa doorashadda macmalka ah ee uu ku riyoonayo

Image

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si kulul u cambaareeyay falal uu ku tilmaamay xadgudubyo, cabsi-gelin, iyo qafaal lagu hayo shacabka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo uu sheegay in ay dowladda Federaalka ku waddo si qasab ah loogu diiwaangeliyo doorashooyin uu ku tilmaamay "macmal ah" oo uu sheegay in uu ku riyoonayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kheyre ayaa sheegay in tallaabooyinka laga fulinayo goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda ay yihiin "iskuday gurracan" oo baal marsan xuquuqda muwaadiniinta, nidaamka dowladnimo, dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah uga digay in ciidamada amniga loo adeegsado cabsi gelin iyo qafaal shacabka ah, arrintaas oo uu ku sifeeyay "ayaandarro qaran".

"Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa inuu si degdeg ah uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda," ayuu yiri Kheyre. "Waa in uu joojiyaa doorashada aan heshiiska lagu ahayn ee uu ku riyoonayo, taas oo halis gelin karta midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka."

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran iyo dhaliilo xooggan ay ka taagan yihiin hannaan doorasho oo dowladda Federaalka ay wado, iyadoo mucaaradku ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh in uu ku tallaabsanayo tallaabooyin halis ku ah kalsoonida shacabka iyo dowladnimada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM