Khilaafka Siyaasadeed ee Muqdisho iyo Koonfur Galbeed oo Sii Xoogeysanaya

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay ku xanibtay garoonka Aadan Cadde taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka ku sugan Xudur. Taliyaha ayaa kasoo duulay magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kaga qaybgalay shir lagaga hadlayay amniga Koonfur Galbeed oo uu la yeeshay madaxda deegaanka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen. Markii uu damacsanaa inuu ku laabto Xudur ayaa la hakiyay safarkiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ku guuleystay dadaal uu ku bixiyay in taliyaha iyo ilaaladiisa la sii daayo, inkastoo aan loo oggolaan inay maanta u duulaan Xudur. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa diidday duulimaad magaalada Baraawe geyn lahaa wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed, taas oo muujineysa sii xoojinta khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Tallaabooyinkan ayaa loo arkaa kuwo sii hurin kara xiisadda siyaasadeed ee ka dhex oogan Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Waxaa xusuus mudan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu xilligii uu mucaaradka ahaa si adag uga soo horjeeday tallaabooyinkan oo kale oo ay qaadi jirtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida joojinta duulimaadyada iyo xayiraadaha lagu sameeyo dadka fikradaha ka duwan qaba.

 

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in wadahadalladii dhexmaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, aysan wax miro ah dhalin. Wararka ayaa tilmaamaya in Laftagareen uu shuruudo ku xiray ka qeybgalka wada-hadallada ama imaatinkiisa Muqdisho. Shuruudahaas waxaa ka mid ah in la beddelo Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Wasiirka Caddaaladda, Mukhtar Roobow 

Khilaafkan siyaasadeed ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, iyadoo shuruudaha la soo bandhigay ay caqabad ku noqon karaan dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo mideynta dalka. Dad badan ayaa isweydiinaya sida xal looga gaari karo is-mariwaagan, iyadoo dalka uu wajahayo caqabado amni iyo kuwo horumarineed.


GAROWE ONLINE ayaa sii wadi doonta inay idinla socodsiiso wararka ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM