Kismaayo oo laga dhagax-dhigay jidad laami dheerarkoodu yahay 4.50km

Image
Labadan wado oo kamid ah mashruuca dhismaha wadooyinka Magaalada Kismaayo wajigiisa labaad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay labo wado oo laami ah oo dheerarkoodu yahay 4.50km.

Labadan wado oo kamid ah mashruuca dhismaha wadooyinka Magaalada Kismaayo wajigiisa labaad oo ka kooban 9.2km ayaa wax badan ka badali doona isku socodka iyo bilicda Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiin katırsan golayaasha kala duwan ee heer Federaal oo uu hogaaminayay Wasiirka howlaha guud Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah iyo Jubaland ayaa ka qeybgalay munaasabadan kooban iyadoo Madaxweynahu uu sheegay in dadku hada ay dareemeen ahmiyada wadooyinka isla markana cabashooyinkii hore ee ka iman jiray goobaha wadooyinka laga banaynayo hada ayna ahayn sidii hore.

Waxaa Madaxweynahu intaas ku daray in shirkada dhisaysa wadooyinkan looga baahan yahay inay la yimaadan dadaal dheeri ah iyo hufnaan shaqo isagoo ku booriyay hay’adaha Dowladda ee shaqada ku Leh howshan İnay dhinacooda fududeeyaan waxyaabaha looga baahan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM