Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Image
Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya inay jirto warqad la sheegay iney soo saareen diray madaxweynayaasha maamulada, iyadoo ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Qoraalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay booqasho ku joogaan Muqdisho, iyadoo ay jiraan warar sheegaya Qoorqoor wadahadal kula jiro Villa Somalia.

Qoorqoor iyo Laftagareen ayaa xiligaan waxaa culeysyo ka soo wajahayaan siyaasiyiin gacan saar la leh Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas damac kaga jiro xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM