Koonfur Galbeed oo ganafka ku dhufatay hadalka Xuseen Macalin

Image
Maamulka Laftagareen ayaa sheegay in ciidamadda Itoobiya ay sii joogi doonan degaanada uu ka taliyo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka jawaabtay hadalka kasoo yeeray la taliyaha amniga Qaranka XuseenMacallin.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay ka hayaami doonan gudaha Soomaaliya marka la gaaro Disembar ee sanadkan 2024.

Balse wasaaradda amniga gudaha ee Koonfur Galbeed (SW) ayaa warar been abuur ah ku tilmaamtay dhawaqa kasoo yeeray Xuseen Macalin wallow aysan bixin fahfaahin kale dheeraad ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa ay tibaaxdey in aysan waxba ka jiron  hadaladii Macallin ee ku saabsanaa doorka Itoobiya ku yeelan doonto howlgalka badali doona ciidamadda ATMIS.

Wasaaradda Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed ayaa ka dhawaajisay mahadcelin ay u jeedinayso Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ee kamid ah ATMIS waxayna dib u xaqiijiyeen doorkooda joogtada ah ee dadaallada nabad ilaalinta.

Si kastaba ha ahaatee, hadalada iska soo horjeeda ee soo kordhay ayaa hoosta ka xariiqaya sida ay u adag tahay dhaq-dhaqaaqyada amni ee hadda ka jira dalka, inta lagu guda jiro iyo kadib bixitaanka ciidamada ATMIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM