Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo goosatay kooxda AS

Image
Xubanahan aya ka howlglaayey Gobolada baay Bakool Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Xubo katirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed.

Saddexdan xubnood oo isku soo dhiibay Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu kala magacaaba Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.

Xubanahan aya ka howlglaayey Gobolada baay Bakool Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.

Waxaana mid walbo uu sheegay in uu usoo adkaysan waayey nolosha adag ee duurka ku haysata iyo howlgalada socda ee Ciidamada ay ka wadaan Gobolada Dalka waxaana ay sheegeen in saraakiisha Nabadsugida koonfur Galbeed ay kusoo dhoweeyeen gacmo furan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM