Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo markab ka afduubtay badda Carabta

Image
Dowaldda Sri Lanka ayaa sheegtay in ay qaadayso tillaabooyin lagu soo deynayo markaba.

Colombo (GO) - Waaxda kalluumeysiga ee dalka Sri Lanka ayaa sheegtay in burcad badeed Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen markab kalluumeysi oo ay saarnaayeen 6 shaqaale ah.

Agaasimaha guud ee waaxda kalluumeysiga Sri Lanka, Susantha Kahawata ayaa warbaahinta u sheegtay in doonida ay burcadka qafaasheen laga soo qabtay badda Carabta.

Markabkan kalluumeysiga ah ayaa ka shiraacday Sri Lanka 12-kii Janaayo, waxaana lagu afduubtay meel 1,160 nautical miles u jirta soohdinta badda ee Sri Lanka.

Ma jiro wax xiriir ah oo ay Maamulka Sri Lanka la sameeyeen markabka, waxaana xogta ku saabsan markabka laga helay maraakibta u dhaweyd.

Dowaldda Sri Lanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay qaadayso tillaabooyin lagu soo deynayo markaba iyo kalluumeysatada la afduubtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM