Kooxda AS oo "diyaarineysa" xubno ismiidaamiyeyaal naafo ah

Image
Falanqeeyeyaasha ammaanka ayaa ka digay xeelada cusub ee kooxda hubeysan ay isku-dabarideyso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka sarre ee Al-Shabaab ayaa go'aamiyey in dagaalameyaashooda ku naafoobay dagaalada ay gashay kooxda loo rogo is-miidaamiyeyaal, sidda ay muujineyso xog sirdoon.

Macluumaadkan dhanka mukhaabaraadka ah ayaa si weyn loogu qaadaadhigay kulan dhanka ammaanka ah kaas oo dhowaan ka qabsoomay caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi.

Qaar kamid ah dadka ka qeybgalay kulankaas ayaa laga soo xigtey labo qodob kuwaas oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku qasbaya in ay adeegsadaan dagaalameyaashooda naafadda ah.

Sababta koowaad ayaa lagu sheegay in ay sii kordheen tiradda xubnaha naafoobay kuwaas oo badankooda ay curyaan ka yihiin dhanka lugaha una baahan daryeel iyo ka warqab joogo ah una baahan dhaqaale.

Qodobka labaad ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay tahay in kooxda ay ka war hayso inuu kusoo wajahan yahay dagaal saf ballaaran oo dowladda federaalka iyo Macawiisleyda qorsheynayaan bilooyinka soo aadan.

Rashiid Cabdi oo ah falanqeeye dhanka gobolka Geeska Afrika oo maqaal ka hadlaya qadiyadan ku daabacay Majaladda Sunday Nation ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay khatar weyn oo dhanka amniga ah.

Dadka naafada ayaa tixgelin weyn ku dhex leh bulshadda Soomaaliyeed iyaga oo qadarin ku hela goobaha ay tagayaan waxaana warbixintan kadib ay faraysaa in feejignaan dheeraad ah u yeeshaan laamaha ammaanka.

Falanqeeyeyaasha arrimaha ammaanka ayaa waxay rumeysan yihiin in talaabadan ay tahay xeelad cusub oo Al-Shabaab ay ku dooneyso in ay kusoo celiso weerarada ay ka geysaneyso magaala madaxda Muqdisho.

Qaraxyadda ismiidaaminta ayaa ka saameyn badan kuwa kale ee ay fuliyaan dadka caadiga ah maadaama qofka aan laga dhex-aqoonsan karin bulshadda tiradda badan ee waqti xaadirkaas uu dhexda ka galayo.

In ka badan 30 qof oo u badan dhalinyaro ayaa lagu khaarijiyey tiro ka badan 70 way ku dhaawacmeen markii ismiidaamin iyo weerar toos ah ay Jimcihii asbuucaan Al-Shabaab ka fuliso xeebta Liido ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM