Kooxda “AS” oo weerar ku qaadday deegaanka Caad ee gobolka Mudug

Image
Ciidanka dowladda Dowladda ayaa kula jira kooxda ‘AS’.

Caad, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan (Macawisleey) ayaa saaka iska caabiyay weerar xooggan oo kooxda AS ay ku qaadeen deegaanka Caad ee dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan dawladda ayaa sheegay in ay ku raad joogaan xubnaha ‘AS’ ee deegaanka soo weeraray, oo haatan u cararay duleedka deegaanka.

Wali lama shaacin qasaaraha ka dhashsay weerarkan, mana jiro war rasmi oo ka soo baxay dowladda kuna aadan faahfaahinta weerarka saaka ka dhacay Caad.

Ciidanka dowladda Dowladda ayaa kula jira kooxda ‘AS’ dagaal xooggan oo lagu doonayo in gacanta lagu dhigo deegaanka Caad iyo deegaanada hareereeya.

Dhawaan waxaa weerar oo ay AS ku soo qaadeen deegaanka Caad ku dhintay abaanduulihii Ururka 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM