Kooxda “AS” oo weerar ku qaadday deegaanka Caad ee gobolka Mudug

Image
Ciidanka dowladda Dowladda ayaa kula jira kooxda ‘AS’.

Caad, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan (Macawisleey) ayaa saaka iska caabiyay weerar xooggan oo kooxda AS ay ku qaadeen deegaanka Caad ee dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan dawladda ayaa sheegay in ay ku raad joogaan xubnaha ‘AS’ ee deegaanka soo weeraray, oo haatan u cararay duleedka deegaanka.

Wali lama shaacin qasaaraha ka dhashsay weerarkan, mana jiro war rasmi oo ka soo baxay dowladda kuna aadan faahfaahinta weerarka saaka ka dhacay Caad.

Ciidanka dowladda Dowladda ayaa kula jira kooxda ‘AS’ dagaal xooggan oo lagu doonayo in gacanta lagu dhigo deegaanka Caad iyo deegaanada hareereeya.

Dhawaan waxaa weerar oo ay AS ku soo qaadeen deegaanka Caad ku dhintay abaanduulihii Ururka 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM