Kooxda AS oo weerar ku qaadday Saldhig ay leeyihiin ATMIS

Image
Ciidamada ATMIS ayaa fashiliyay weerarkan oo ay ku soo qaadeen AS.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada ATMIS ayaa fashiliyay weerar ay AS ku soo qaadeen Saldhigga Howlgalka ay ku leeyihiin magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo ka furtay hub badan oo ay wateen maleeshiyada.

Taliyaha Kooxda 38-aad ee Howlgalka, Christopher Berochan, ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in laga feejignaado weerarada ay maleegayaan AS iyo kooxaha kale oo argagaxisada ah.

Bayaan ay soo saareen Ciidamada ATMIS ayaa lagu sheegay in “Weerarka la fashiliyay uu hoosta ka xariiqayo sida ay uga go'an tahay ATMIS xaqiijinta nabadda iyo amniga gobolka."

Kooxda AS ayaa dhawaanahan fulisay weeraro ka dhan ah fariisamaha ay Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM