Kooxda AS oo weerartay xaruntii Hay’adda NISA ee Balcad

Image
Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu waramay inuu ka dhashay weerarkan.

MUQSISHO, Soomaaliya — Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday degmada Balcad, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Maleeshiyada ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis amni oo ku yaalla magaalada.

Ilo wareedka ayaa xusay in dableyda ay u muuqdaan inay dib uga gurteen magaalada kadib duulaanka.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in meelaha la beegsaday ay kamid tahay xaruntii Hay’adda NISA ee degmada Balcad uuna soo gaarey burbur baaxad leh.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay gudaha u galeen saldhigga iyo "inta badan" xaafadaha magaalada.

Balse ilo deegaanka ah ayaa hadda sheegaya in maleeshiyadii ay dib u gurteen isla markaana ay ka baxeen magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM