Kulamo Lagu Gorfeeyay Arrimaha Siyaasadda iyo Dastuurka oo ka dhacay Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii fiidkii ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho wakiillo ka socda Madasha mucaaradka dalka.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagu gorfeeyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray isbeddelada dastuurka ee muranka badan dhaliyay.

Wakiillada mucaaradka ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay aragtidooda ku aaddan sidii loo xallin lahaa khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo sida loo horumarin karo wadahadalka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa dhinaciisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha siyaasadeed, loona raadiyo xal waara oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan qeybaha bulshada.

Intii uu socday kulanka, ayaa labada dhinac waxay ka wada hadleen qorshaha kulanka weyn ee looga doodayo arrimaha dastuurka iyo siyaasadda guud ee dalka, kaasoo lagu balamay inuu dhaco 10ka Agoosto 2025.

Madaxweynaha ayaa sheegay in inkastoo wadahadalku uu ahaa mid saaxiibtinimo iyo isfaham ku dhisan, haddana aysan weli gaarin heshiis kama dambeys ah oo la xiriira qodobada muranka dhaliyay.

Kulankan ayaa ah tallaabo lagu xoojinayo wadahadalka siyaasadeed ee ka dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyadoo la rajeynayo in kulanka soo socda uu horseedo heshiisyo wax ku ool ah oo lagu xallinayo arrimaha dastuurka iyo siyaasadda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyey dhammaan dhinacyada inay muujiyaan dulqaad iyo isfaham si loo gaarsiiyo Soomaaliya nabad iyo xasillooni siyaasadeed oo waarta.

Saddex jeer ayuu Xasan Sheekh kula kulmay xubnaha mucaaradka shirarka ka dhacay Villa Somalia sanadkan, iyadoo aysan jirin isku soo dhawaansho labada dhinaca, oo isku haya nimaadka doorashadda.

Jubaland iyo Puntland ayaa ka maqan kulamada, kadib markii ay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya oo ku eedeeyeen inay hareer martay wixii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana lagu xad-gudbay dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM