Kulan Ciyaareed xiiso leh oo Galabta dhaxmari doona Xulalka Galmudug & Hirshabeelle

Image
Taageereyaasha ka qeyb galaya ciyaartan ayaa la filayaa inay soo buux dhaafiyaan garoonka.

Muqdisho, Soomaaliya - Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad-Goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gabagabeyn doonaa Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, iyadoo finalka ay isugu imaanayaan xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle.

Taageerayaasha labada Xul ayaa tan iyo waaberigii soo xaadiray garoonka, iyadoo seeriga ciyaarta lagu wado in lagu dhawaaqo saddexda galabnimo.

Labada kooxood ayaa si wanaagsan ugu diyaar garoobay ciyaarta, iyadoo ciyaartoyda labada xul ay taageero weyn ka heleen madaxda maamulada ay matalaan.

Waa markii labaad oo xulka Galmudug si xiriir ah u gaaraan finalka tartankan, halka xulka Hirshabeelle ay markii ugu horeysay tahay soo gaaraan heerkaan.

Dhinaca kale taageereyaasha ka qeyb galaya ciyaartan ayaa la filayaa inay soo buux dhaafiyaan garoonka, iyadoo laamaha ammaanka ay soo saareen fariimo ay ku dalbanayaan in ammaanka la ilaaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM