La taliyaha Madaxweynaha JFS oo sheegay in Itoobiya ay ka faa’iidaysanayso “quusta Somaliland”

Image
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa si qoto dheer uga hadlay is-afgaradkii Itoobiya & Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, oo ah la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, ayaa Warbaahinta Al Carabiya.net u sheegay in “heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi uu yahay mid khatar ku ah Soomaaliya, Itoobiya, shucuubta Geeska Afrika iyo sidoo kale Badda Cas.

Baadiyow ayaa yiri “Soomaaliya waxay go’aansatay inay dhisto dhowr dekadood oo ku teedsan xeebaha si loo kobciyo xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Itoobiya 4 dowlad goboleed, taasoo ah tusaale u ah deris wanaagga, dekedahaasi waa dekedda Garacad ee Puntland, dekedda Hobiyo ee maamul goboleedka Galmudug, dekedda Cadale ee Hirshabeelle, iyo dekedda Marka ama dekedda Baraawe ee Koonfur-galbeed.”

Waxa uu intaasi ku daray “Waxa la filayey in dhammaan dekedahaasi lagu xiririyo xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, Itoobiyana ay si sharci ah u isticmaali kartay,” balse ay samaysay qorshe kale oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Waxa kale oo uu u arkay in Abiy Axmed uu isku dayayo inuu ka faa’iidaysto himilooyinka Somaliland ee ku aaddan helista aqoonsi caalami ah, isla markaana uu ka taageero dhinacaas si uu u helo deked.

Baadiyow ayaa yiri: "tallaabadani waxaa loo arki karaa isku day lagu doonayo in lagaga faa'iidaysto quusta Somaliland si ay u hesho aqoonsi diblomaasiyadeed."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM