Laba Askari oo Mareykan ah oo Badda Soomaaliya Ku Maqan

Image

(GO)- Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay ka maqan yihiin badda iyagoo howlgallo ka waday xeebaha Soomaaliya habeenkii Khamiista, sida uu sheegay milatariga Mareykanka qoraal ay soo saareen maalintii Jimcaha. Waxay intaas ku dareen in howlgallada baadi goobka iyo badbaadinta ay socdaan si loo helo labadaasi askari.

“Saraakiisha ayaa loo soo diray aagga howlgalka ee Ciidanka 5-aad ee Badda Mareykanka (C5F) si ay u taageeraan howlgallo kala duwan,” ayuu yiri Taliska Dhexe ee Mareykanka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu daray in macluumaad dheeraad ah aan la heli doonin ilaa inta laga soo geba-gebeeynayo howlgalka soo celinta shaqaalaha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM