Labo mas’uul oo isku dhex feertay gudaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya

Image
Dagaalkan ayaa salka ku haya qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda shirkad la siiyay qandaraas macaash badan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo mas'uul ayaa lasoo wariyay in ay isugu gacan qaadeen gudaha Wasaarada Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xaange iyo Agaasimaha Cashuuraha Faysal Xaashi ay shalay galab dagaal fool-ka-fool ah ku dhex maray dhismaha Wasaaradda.

Dagaalka ayaa salka ku hayay qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda shirkadii gaarka loo lahaa ee ay ku siiyeen qandaraasyada soo xareynta dakhliga gudaha.

Faysal ayaa ka mid ahaa qofkii uu shaqada ka joojiyey Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur oo shaqadaas ku waayey arrintan maadaama Feysal uu yahay saaxiibka Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM