Laftagareen oo ciidamo hubeysan kala soo degay magaalada Muqdisho

Image
Talaabadan waxay muujinaysaa tuhunka wali ka dhex-taagan Dowladda federaalka iyo maamulkiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta oo Arbaco ah magaaladda Muqdisho soo gaarey isaga oo wata ciidamo hubeysan.

Talaabadan waxay muujinaysaa tuhunka wali ka dhex-taagan Dowladda federaalka iyo maamulkiisa.

Laftagareen ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay diidanaa inuu Muqdisho soo gaaro cabsi uu ka qabo in amnigiisa la waxyeeleeyo.

Kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu waddaa in midkood caawa ama berri uu ka furmo magaalada Muqdisho iyadda oo madaxda ay soo wada gaari doonan caasimadda ugu dambeyn maanta oo Arbaco ah 2-da October 2024.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha GO, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda qaar ee maamulada miiska usoo saarey in ay ka ogolaadaan labo qorshe midkood; doorasho ku meelgaar ah ama muddo kororsi labo sano.

Saddex illo wareed kale oo dhanka dowlad goboleedyadda ah waxay hoosta ka xariiqeen in Xasan Sheekh uu maamulada ka codsaday in ay qaataan muddo kororsi labo sano ah kadibna ay si wadajir ah u dhacdo doorashada federaalka iyo maamulada.

Sikastaba ha ahaatee, cadaadiska beesha caalamka iyo dhamaadka muddo xileedka hogaamiyeyaasha – federaalka iyo maamulada – waxa uu qasbi doonaa shirka wadatashiga qaranka inuusan soo dhamaan natiijo la’aan baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM