Laftagareen oo ciidamo hubeysan kala soo degay magaalada Muqdisho

Image
Talaabadan waxay muujinaysaa tuhunka wali ka dhex-taagan Dowladda federaalka iyo maamulkiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta oo Arbaco ah magaaladda Muqdisho soo gaarey isaga oo wata ciidamo hubeysan.

Talaabadan waxay muujinaysaa tuhunka wali ka dhex-taagan Dowladda federaalka iyo maamulkiisa.

Laftagareen ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay diidanaa inuu Muqdisho soo gaaro cabsi uu ka qabo in amnigiisa la waxyeeleeyo.

Kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu waddaa in midkood caawa ama berri uu ka furmo magaalada Muqdisho iyadda oo madaxda ay soo wada gaari doonan caasimadda ugu dambeyn maanta oo Arbaco ah 2-da October 2024.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha GO, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda qaar ee maamulada miiska usoo saarey in ay ka ogolaadaan labo qorshe midkood; doorasho ku meelgaar ah ama muddo kororsi labo sano.

Saddex illo wareed kale oo dhanka dowlad goboleedyadda ah waxay hoosta ka xariiqeen in Xasan Sheekh uu maamulada ka codsaday in ay qaataan muddo kororsi labo sano ah kadibna ay si wadajir ah u dhacdo doorashada federaalka iyo maamulada.

Sikastaba ha ahaatee, cadaadiska beesha caalamka iyo dhamaadka muddo xileedka hogaamiyeyaasha – federaalka iyo maamulada – waxa uu qasbi doonaa shirka wadatashiga qaranka inuusan soo dhamaan natiijo la’aan baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM