Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Image
Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Catriona Laing 

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in kulankan looga hadlay Arimaha Bini'adanimada, Amniga, Isbedelka Cimilada, Siyaasada Dalka Dhinacyada Qabsoomida Shirka Golaha Wadatashiga, Dhamaystirka Dastuurka iyo Arimaha Doorashooyinka Dalka.

"Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore ka gadaal markii ay madaxda dowladda federaalka iyo maamulada isku-fahmi-waayeen qaabka laga yeelayo ajandaha gaar ahaan qadiyadda la xiriirta doorashooyinka dalka.

GAREWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM