Lataliyaha Amniga Qaranka oo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaal

Image
Lataliyaha ayaa ku baaqay dagaal hadii aysan Itoobiya ka laaban heshiiskii Badda.

MUQDISHO, Soomaaliya - La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, kaga hadlay mowqifka Soomaaliya ee ku aadan heshiiskii Addis Ababa ay la gashay maamulka Somaliland.

La-taliyaha ayaa yiri “Soomaaliya waxay diyaar u tahay dagaal, haddii aysan Itoobiya ka bixin heshiiska sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland”.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Itoobiya, heshiiska is-afgaradka ah ee la saxiixay 1-dii Janaayo ayaa dhigaya in la dhiso deked iyo saldhig ay ciidamada Itoobiya ka sameysanayaan deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiskan, waxayna sheegtay inuu xadgudub ku yahay madax banaanida Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka dalbatay Itoobiya inay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay digniin culus uga jeediyay Itoobiya oo ku aadan heshiiskan, isagoo carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay inay danaheeda ku difaacdo si walba oo suurtagal ah, oo ay ka mid tahay dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM