Maareeyaha Hay'adda Duulista Somaliland oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Image
Maareeyaha ayaa ku eedeeyay dowladda in ay siyaasadeysay duulimaadyadii rayidka ahaa

Hargeysa, Soomaaliya - Maareeyaha Hay'adda Duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi oo shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay si qaldan uga faa'iidaysatay gacan ku haynta maamulka hawada.

Maareeyaha ayaa intaas ku daray in dowlada Soomaaliya ay ka baxday heshiisyadii ay la geshay Somaliland, oo ku aadanaa in si wadajir ah ay labada dhinac u maamulaan hawada sare.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku soo koobtay maamulka hawada Sare tan iyo 2018kii, isla markaana sheegay in ay lunsatay lacag dhan 60 Milyan.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda in ay siyaasadeysay duulimaadyadii rayidka ahaa, isaga oo sheegay in maanta ka dib aanay aqbali doonin wuxuu ku tilmaamay ku takrifalka awoodeed ee Muqdisho.

Hadalka Maareeyaha ayaa imaanaya xilli Dowlada Soomaaliya ay hawada Somaliland ka celisay 2 diyaaradood, iyada oo ay jiraan kuwoo kale oo ay beenisay Muqdisho inay celisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM