Macalimiin iyo Imaamyo oo u hogaansamay amar kasoo baxay AS

Image
Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay in ay ka baxeen caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Macalimiin iyo Imaamyo Masaajid oo ku noolaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa u hogaansamay amar kasoo baxay dagaalameyaasha Al-Shabaab, sidda ay xaqiijiyeen illo dhanka sirdoonka ah.

Macalimiinta ayaa, isugu jira kuwa dhigayay qaar kamid ah iskuulada iyo dugsiyada Qur'aanka halka Imaamyada Masaajida ay ka howlgalayeen degmooyinka gobolka Banaadir.

"Dhamaan dhinacyadan waxay tageen degaan lagu magacaabo Tabaarak oo ku dhow magaalada Jowhar ee maamul goboleedka HirShabelle iyaga oo qaarkood loo furay wax lagu sheegay tababar," ayay caddeeyeen illo wareedyadda.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda federaalka ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in ay haayaan macluumaadka shaqsiyaadkan isla markaana ay qorsheynayaan in cadaalada ka horgeeyo kadib markay soo laabtaan.

Tani ayaa waxay sababtay in qaar kamid ah shaqsiyaadkan aysan haatan rajo badan ka lahayn in ay kusoo laabtaan Muqdisho iyaga oo ka walwalsan in ay baaqi kusii ahaadaan degaanada ay ka taliso xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Al-Shabaab waxay ku amartay dhamaan dadka xogtooda la helay in aysan adeegsan karin telefoonadooda gaarka ah maadaama ay fahansan tahay in la dhageysanayo ayna taasi khatar gelin karto macluumaadkooda," ayay xuseen.

Sikastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa waxa ay wiiqaysaa dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ay dagaal dhanka fikirka ah ku qaado kooxda Al-Shabaab taas oo qey ka ahayd balanqaadkii madaxwayne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM