Madax hore oo ku biiray cododka isa soo taraya ee diidan tallaabadii Baarlmaanka JFS

Image
Siyaasiyiin horleh ayaa qaadacay Dastuurka la meelmariyay cutubyada ugu horreeya.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaarayaashi hore Cumar Cabdirashiid iyo Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa War-murtiyeed oo ay si wadajir ah u soo saarin eedeymo ugu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh ka dib meel marintii Labada Gole ee Baarlamaanka JFS Cutubyada 1-4 ee Dastuurka dalka.

“Halkii uu Madaxweynaha mudnaanta ka siin lahaa hortebinta qoddobada qabyo- tirka dastuurka wuxuu beddelkeeda doorbiday dastuur cusub oo leh tilmaamihii tagtadii gaboodfalka ahayd ee ay awoodda xukunka hal gacan ku urursanayd, tartanka siyaasaddana uu garsoore ka yahay qofka talada haya, garoonka ciyaartana isagu leeyahay.” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

Siyaasiyiintan ayaa Madaxweynaha ku tilmaamay in uu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la'aan siyaasadeed, isla markaana qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska.

Waxay intaa ku dareen in tallaabooyinka halka dhinac ah ee uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh ay mugdi gelin doonto sharciyadda Madaxweynaha iyo hay'adaha kale ee dastuuriga ah sida ay hadalka u dhigeen.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Villa Soomaaliya ayaa qaadacay Dastuurka la meelmariyay qodobadiisa ugu horreysa.

“Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka cusub, waxaanna aqoonsanyahay dastuurka KMG ah ee 15ka cutub iyo 143 qoddob ka kooban. Marna ma aqbalayno dastuurka loo beddelayo xaqiijinta damac gurracan iyo rabitaanka Madaxtooyada.” ayay raaciyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM