Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo is-faham ka gaarey howlgalka ATMIS

Image
Labada hoggaamiye waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la xaqiijiyo qoondo maaliyadeed.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim u ah amniga gobolka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada mas’uul ayay ku sheegeen inay muhiim tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida dhuleed, iyagoo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay xasilloonida gobolka.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay ayaa ahaa kala guurka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyadoo labada mas’uul ay isla garteen in hannaankan uu ahaado mid xasiloon oo si taxadar leh loo maareeyo si looga hortago wax kasta oo faaruq ah oo dhanka ammaanka ah.

Arrinta kale ee xasaasiga ah ee laga wada hadlay ayaa ahayd taageerada dhaqaale ee howlgalka Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo bedeli doona ATMIS.

Labada hoggaamiye waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la xaqiijiyo qoondo maaliyadeed ka hor inta aan la bilaabin hawlgallada AUSSOM, iyagoo muujinaya doorka muhiimka ah ee howlgalka ee amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Kenya ayaa ahaa mid muhiim u ah socdaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Socdaalkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga gobolka ee dhinaca nabad ilaalinta iyo xaqiijinta in si habsami leh loogu gudbo AUSSOM, taasoo ka tarjumaysa sida ay uga go'an tahay xasilloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM