Madaxda Soomaaliya iyo Qadar oo ka shiray "faragelinta Itoobiya"

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa ku kulmay Dooxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaani oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo weliba xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahad celiyey Amiir Tamiim Binu Xamad Al Thaani iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa uu ku guda jiray dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo ilaalinta qaranimada dalka iyo in la adkeeyo amniga gobolka, kadib markii dowladda Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM