Madaxwayne Deni oo dhagax-dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland

Image
Munaasabada waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland iyo wefti ka socda Shirkada IHS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Said Abdullahi Deni oo safar shaqo maanta kusoo gaaray Caasimada Puntland ee Garoowe, ayaa dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS).

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah islamarkaana laga hirgeliyo deegaaanada Puntland isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa.

Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirigelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System.

Munaasabada waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, La-taliyeyaal Madaxweyne, wefti ka socda Shirkada IHS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, oo ay ka socdaan dardargelinta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM