Madaxwayne Xasan Sheekh oo cambaareeyay weerarka Moscow

Image
Kooxda ISIL ee fadhigeedu yahay wadamadda Suuriya iyo Ciraaq ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay caasimada Ruushka ee Moscow kaas oo ay ku nafwaayeen in ka badan 60 qof shacab ah, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in "Madaxweynaha uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo dhamaan ehelada dadkii ku geeriyoodey weerarkaas".

Bayaanka oo lagu daabacay ciwaanka Villa Soomaaliya ku leedahay Twitter-ka ayaa hoosta looga xariiqay in Xasan Sheekh uu murugada la wadaagayo dhigiisa Vladimir Putin iyo shacabka Ruushka.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagixisada aadka u xun ee ka dhacay hoolka riwaayadaha ee magaalada Moscow," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii ay dadkooda ka geeriyoodeen iyo dhamaan dadkii ay saamaysay masiibadan foosha xun".

"Wuxuu si kal iyo laab ah ugu duceeyay Madaxweyne Vladimir Putin iyo shacabka Ruushka wakhtigan murugada leh. Dowladda Soomaaliya waxay ku garab taagan tahay shacabka Ruushka arrintan adag waxayna diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada," ayaa lagu soo xiray war-saxaafadeedka.

Kooxda ISIL ee fadhigeedu yahay wadamadda Suuriya iyo Ciraaq ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkan oo yimid todobaad kadib markii dowladda Mareykanka ay ka digtey in ay Moscow ka dhici karaan falal amni darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM