Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Image
Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya  si uu uga qayb-lgalo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo  maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa Inta uu ku sugan yahay Nairobi,  wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas'uuliyiinta ka socda Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo caalami ah iyo mashaariic horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM