Madaxweynaha JFS oo Garoonka diyaaradaha ka sii sagootiyay dhaawacyada weerarkii SYL

Image
Tirada dhaawacyada mas’uuliyiinta iyo shacabka ayaa gaaraysa 19-qof.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas'uuliyiin ku waxyeeloobay weerarkii Hotel SYL.

Masuuliyiintan ayaa xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Aadan.

Tirada dhaawacyada mas’uuliyiinta iyo shacabka ayaa gaaraysa 19-qof, oo isugu jiray kuwo qaba dhaawacyo fudud iyo kuwo culus, waxaana hoteelka ka soo badbaadiyay ciidamada dowladda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM