Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Image

BOOSAASO - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay kulan la qaatay ganacsatada magaalada Boosaaso, wuxuuna u sheegay in ay dhamaatay waqtigii lacaga baada ah la siin jiray Daacish, wuuxuuna ugu baaqey inaysan wax dhaqaale ah siin doonin kooxda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay burburiyeen meelihii ay ku dhuumaalaysan jireen Daacish, ee ganacsatada looga soo hanjabi jiray, isagoo caddeeyay in aan la aqbali doonin hadda kadib wax marmarsiiyo ah oo la xiriira bixinta lacagta baadda ee kooxda Daacish.

“Ma jiri doonto ganacsade marmarsiiyo u heli kara ‘waa lay cadaadiyay, waxbaa la iga qaaday.’ Waxaa la rabaa in qof kasta uu dareemo inuusan cadaadis jirin. Haddii hore lagu andacoon jiray in buuraha laga soo wacay, hadda wiilashiinnii ayaa buuraha ku sugan oo halkaas kasoo hadlaya,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish, laakiin hadda loo baahan yahay inay dib ugu soo laabtaan, isla markaana keenaan fikrado ganacsi oo cusub, si Puntland uga soo kabato dhibaatada dhaqaale ee kooxaha argagaxisada sababeen.

Hadalka Deni ayaa imaanaya xili laga adkaadey Daacish, oo dhulkii ay joogtay laga saarey, iyadoo waqjiga 3aad ee dagaalka uu socdo, waxaana Puntland oo isku tashatay qarka u saaran tahay inay xor ka noqoto argagaxiso iyo cadaadis dibadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM