Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Xabbad-joojinta ee Gaza

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, ee xalay ay ku dhawaaqeen Israel iyo Xamaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen xaqiijinta heshiiskan, isaga oo tilmaamay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu soo celinayo xasilloonida iyo nabadda gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in la isku xoojiyo dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo adkeeyo heshiiska xabbad-joojinta. Sidoo kale, wuxuu ka dalbaday beesha caalamka in la dedejiyo gaarsiinta gargaarka degdegga ah ee bini’aadantinimo si loo yareeyo xaaladda adag ee dadka ku nool Gaza, kuwaas oo la daalaa-dhacaya duruufo bini’aadanimo oo daran.

Isaga oo ka hadlaya mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha nabadda, Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay in Soomaaliya ay mar walba u taagan tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida. Wuxuu ku baaqay in la helo xal cadaalad waara ah oo lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madaxbannaan, si waafaqsan mabda’a laba dowladood.

Heshiiskan xabbad-joojinta ayaa loo arkaa mid muhiim ah, waxaana loo baahan yahay in dadaallada wadajirka ah ay sii socdaan si loo xaqiijiyo nabadda waarta ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM