Madaxweynaha Soomaaliya oo Waji-Gabax Kala Kulmay Booqashadii Itoobiya
Addis Ababa – 28 Luulyo 2025 (GO) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo ilo diblomaasiyeed ayaa sheegaya in booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uu kala kulmay waji-gabax diblomaasiyeed.
Xogaha ayaa tilmaamaya in safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ahaa mid muhiimad gaar ah u leh dowladda Federaalka, maadaama ujeeddadiisu ahayd in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed lagu qanciyo in ciidamada dowladda Federaalka laga soo dajiyo magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Ciidamadan ayaa la rabay inay ka qayb qaataan dagaalka ka socda magaalada Balad-Xaawo, halkaas oo iska horimaad uu ka dhex socdo ciidamada taageersan dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland.
Balse wararka ka imaanaya Addis Ababa ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abiy uusan weli ka bixin wax jawaab ah codsigii Villa Somalia. Taas ayaa la sheegay inay caro gelisay Madaxweynaha Soomaaliya, oo sida xoguhu sheegayaan ka maqnaa sawirradii guud ee laga qaaday shirka 2-aad ee Cuntada Adduunka oo maanta kusoo xirmay magaalada Addis Ababa.
Magaalada Doolow oo ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka kooban laba dhinac – Doolow Itoobiya iyo Doolow Soomaaliya. Waxaa halkaas si joogto ah uga howlgala ciidamada Itoobiya tan iyo markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, wararka laga helayo gudaha magaalada Doolow ayaa sheegaya in saaka dagaal kooban uu ka dhacay kaddib markii sarkaal ka tirsan ciidamada taageersan dowladda Federaalka uu damcay inuu ku biiro dagaalka ka socda magaalada Balad-Xaawo. Sida la sheegay, ciidamada Itoobiya ee ku sugan Doolow ayaa hor istaagay isku daygaas, iyagoo diiday in dagaalka gobolka Gedo uu ku faafo meelaha kale. Ilo wareedyo ayaa xusay in Itoobiya ka walaacsan tahay ballaarinta colaadda, taasoo ay u aragto halis amni iyo xasillooni darro.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale yimid kaddib booqashooyin uu ku tagay dalalka Masar, Turkiga iyo Jabuuti. Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo xiriirka Itoobiya iyo Masar uu aad u liito, sababo la xiriira biyo xireenka Webiga Nile. Ilo diblomaasiyeed ayaa sheegaya in madaxda Itoobiya ay dareemayaan in Villa Somalia aysan si buuxda u tixgelin arrimaha gobolka marka ay la macaamilayso dhinacyada khilaafku u dhexeeyo.
GAROWE ONLINE