Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Image

ALGIERS, Algeria — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u safray magaalada dalka Algeria, isagoo hoggaaminaya wafdi ballaaran.

Socdaalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa ka dib markii Madaxweynaha dalka Algeria, Abdelmadjid Tebboune, uu casuumaad rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in safarka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta, iyo iskaashiga diblomaasiyadeed.

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo ay ku jiraan: Wasiirka Difaaca, Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Cali Dhaay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan Algiers la kulmi doona Madaxweyne Tebboune iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Algeria, si loo xoojiyo xiriirka labada dal loona isla meel dhigo iskaashi ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in safarkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo iskaashiga siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Algeria, iyadoo sidoo kale lagu waday in lagu falanqeeyo fursadaha iskaashiga tamarta, horumarinta dhaqaalaha, iyo amniga gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM