Madaxweyne Xasan Sheekh muxuu kala hadlay dhiggiisa Eritrea?

Image
Madaxweynaha JFS ayaa shalay soo gaaray dalka Eriteria oo tababar uga socda cutubyo ka tirsan Ciidanka.

Asmara (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteria Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne ayaa kulanka ay yeesheen uga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteria Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah.

Kulanka ka dib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM