Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jeddah

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed iyo mid amni.

Jeddah (GO) - Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jeddah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Dowladda oo qoraal ku saabsan booqashadan soo saartay ayaa ku sheegtay:

“Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed iyo mid amni, taasoo ay ugu wacan tahay mucaaradad xooggan oo gudaha ah, Puntland oo kalsoonida kala noqotay dowladda federaalka, iyo AS oo Ciidamada Dowladda kala wareegtay deegaano badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM