Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay safar uu dhawaan ku tagi doono magaalada Addis Ababa

Image
Madaxweynaha ayaa Addis Ababa uga qeyb geli doono shirar kala duwan.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-Gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan Magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in halkaasi ay ka dhacayaan shirar kala duwan sida Shirka Midowga Afrika, Shirka Urur goboleedka IGAD iyo Shirka Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay intii uu ku guda jiray Shirka-Jaraa’id: ”Dhammaan shirarkan waxay muhiim u yihiin Soomaaliya.

“Waxaan shirarkaasi ka jeedin doonnaa Fariinta Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan damaca Gurracan ee Dowladda Itoobiya ku hayso Madaxbanaanida Dhulleed ee Soomaaliya.” Ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu intaasi raaciyay: “Soomaaliya lama faragelin karo, in meelaha qaar laga goostana waa riyo oo aan soconeyn.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday la dagaalanka “AS”, iyo hawlaha Dhamaystirka Dastuurka oo doodiisu hadda ka socoto Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM