Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka hor jeedin doono madaxda caalamka ee ku sugan Nairobi

Image
Shirkan ayaa waxaa looga arrinsansan doonaa dhibaatada xooggan ee isbeddelka cimilada.

Nairobi (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo uga qeyb-galayo Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsansan doonaa dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo shirkan caalamiga ah, isaga oo soo bandhigi doono saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka cimilada & dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan.

Madaxweynaha ayaa kala hadli doono madaxda kale doorka Soomaaliya ay ku leedahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM