Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Aas'aasayaasha kudlada Toosin

Image
Madaxweynaha ayaa ku guda jira dardargelinta meelmarinta afarta cutub ee xildhibaanadu ka doodeen.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulan la yeehay hogaanka kudlada Toosin Qaran.

Kulankan oo ay faahfaahin ka bixisay Villa Soomaaliya ayaa daarnaa xaalada guud ee Dalka gaar ahaan arrimaha Amaanka iyo dhameystirka Dastuurka ay hada doodiisu ka socoto Xarunta Villa Hargeysa.

Madaxweynaha JFS ayaa xubnahaan ka dhageystay talooyinka iyo aragtida ay ka leeyihiin dhameystirka Dastuurka iyo arrimaha amniga, oo ay ugu wacantahay habacsanaanta dhanka amaanka.

Xubnaha Kudlada ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay arrimo la xiriira Dastuurka.

Kullamadan ayaa imaanaya iyadoo ku dhawaad ​​70-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, iyagoo si buuxda uga soo horjeestay barnaamijka dhameystirka dastuurka, kuna tilmaamay in uu baalmarsanyahay hanaankii loogu talo galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM