Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Masar

Image
Soomaaliya & Masar ayaa si wadajir ah u wajihi doona xiisada ka soo cusboonaatay Geeska Africa.

Qaahira (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El- Sisi, qasriga Madaxtooyada magaalada Qaahira.

Dowladda Soomaaliya oo qoraal kooban ka soo saartay kulanka ayaa ku tilmaamtay mid miro dhal, xilli wararka laga helayo ilaha ku dhow madaxtooyada ay sheegayaan in kulanka uu daarnaa xoojinta xiriirka amni ee ka dhaxeeya labada dal.

Soomaaliya & Masar ayaa si wadajir ah u wajihi doona xiisada ka soo cusboonaatay Geeska Africa oo salka ku hayso heshiis beenaadkii dhaxmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Dadka u dhuundaloola siyaasadda Gobolka ayaa rumeysan in isbahaysigan ay ku soo biiri doonaan wadamo kala gaddeisan oo dhaca gobolka kana soo horjeeda heshiiskani oo dib u dhac dhaqaale u keeni kara wadamada ku teedsan Badda Cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM