Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Masar

Image
Soomaaliya & Masar ayaa si wadajir ah u wajihi doona xiisada ka soo cusboonaatay Geeska Africa.

Qaahira (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El- Sisi, qasriga Madaxtooyada magaalada Qaahira.

Dowladda Soomaaliya oo qoraal kooban ka soo saartay kulanka ayaa ku tilmaamtay mid miro dhal, xilli wararka laga helayo ilaha ku dhow madaxtooyada ay sheegayaan in kulanka uu daarnaa xoojinta xiriirka amni ee ka dhaxeeya labada dal.

Soomaaliya & Masar ayaa si wadajir ah u wajihi doona xiisada ka soo cusboonaatay Geeska Africa oo salka ku hayso heshiis beenaadkii dhaxmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Dadka u dhuundaloola siyaasadda Gobolka ayaa rumeysan in isbahaysigan ay ku soo biiri doonaan wadamo kala gaddeisan oo dhaca gobolka kana soo horjeeda heshiiskani oo dib u dhac dhaqaale u keeni kara wadamada ku teedsan Badda Cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM