Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Kismaayo

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Kismaayo

Kismaayo, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen Ilo ku dhow dhow Villa Somaaliya.

Qabanqaabada soo dhaweynta ayaa haatan ka socota magaalada Kismaayo, iyada oo lagu wado in Masu’uuliyiin, wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal & heer Maamul-Goboleed ah ay madaxweynaha ku soo dhaweeyaan Garoonka magaalada.

Wafdi hordhac ah oo madaxtooyada ka socda ayaa gaaray Kismaayo, sida ay sheegeen ilo kala duwan, waxaana labada hogaamiye ay ka wada hadli doonaan xaalada Guud ee dalka & dagaalka “AS”.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu galay marxalad xasaasi ah, kadib markii Baarlamaanka uu furay Dastuurka, waxaana tallaabadan ka soo horjeestay Maamulka Puntland, Siyaasiyiin iyo Madax hore.

Dadka u dhuun-daloola siyaasadda dalka ayaa rumeysan in booqashada madaxweynaha ee Kismaayo uu ka tarjumayo is-maandhaaf keeni kara in dalka uu sii kala fogaado, xilli ay soo baxayaan dhawaaqyada mucaaradka oo ka cabsi qaba in talada dowladda ay ku ekaato Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM