Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Kismaayo

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Kismaayo

Kismaayo, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen Ilo ku dhow dhow Villa Somaaliya.

Qabanqaabada soo dhaweynta ayaa haatan ka socota magaalada Kismaayo, iyada oo lagu wado in Masu’uuliyiin, wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal & heer Maamul-Goboleed ah ay madaxweynaha ku soo dhaweeyaan Garoonka magaalada.

Wafdi hordhac ah oo madaxtooyada ka socda ayaa gaaray Kismaayo, sida ay sheegeen ilo kala duwan, waxaana labada hogaamiye ay ka wada hadli doonaan xaalada Guud ee dalka & dagaalka “AS”.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu galay marxalad xasaasi ah, kadib markii Baarlamaanka uu furay Dastuurka, waxaana tallaabadan ka soo horjeestay Maamulka Puntland, Siyaasiyiin iyo Madax hore.

Dadka u dhuun-daloola siyaasadda dalka ayaa rumeysan in booqashada madaxweynaha ee Kismaayo uu ka tarjumayo is-maandhaaf keeni kara in dalka uu sii kala fogaado, xilli ay soo baxayaan dhawaaqyada mucaaradka oo ka cabsi qaba in talada dowladda ay ku ekaato Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM