Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka

Image
Shirkan ayaa looga hadlay dardargalinta hawlgallada ka dhanka ah AS...

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ka dhanka ah AS iyo dhammeystirka bixitaanka ATMIS.

Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, wuxuuna ku adkeeyay hay’adaha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka laga dareemayo u diyaargarowga wajigii labaad ee gulufka ka dhanka ah AS ee ka bilaaban doona Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM