Mahad Salaad oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee safarka madaxtinimada Galmudug

Image
Siyaasiga tartanka ugu jiro Kursiga madaxtinimada Galmudug ayaa la filaya in u taageero ka heli doono Villa Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada XFS ayaa goordhow ansixiyey in Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka uu noqdo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri: “Agaasimaha Hey’adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad”

Dhanka kale, Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Mahad Salaad oo maanta xilka ka degay ayaa u mahad celiyey madaxda qaranka, isagoo soo dhaweeyey magacaabidda agaasimaha cusub ee hey’adaas Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Iscasilaada hogaamiyihii hore ee NISA Mahad Salaad ayaa lala xiriirinayaa hamigiisa ku aadan inuu qabto xilka madaxtinimo ee maamulka Galmudug, isagoo xilka kala wareegaya Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor.

Mahad Salaad oo shalay macasalaameeyay shaqaalaha hay’adda Nabadsugida ayaa maalmahan ku jiray dadaal iyo diyaargarow ku aadan sida uu hanan lahaa xilkaas, waxaana la filaya in u taageero ka heli doono Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM