Mahad Salaad oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee safarka madaxtinimada Galmudug

Image
Siyaasiga tartanka ugu jiro Kursiga madaxtinimada Galmudug ayaa la filaya in u taageero ka heli doono Villa Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada XFS ayaa goordhow ansixiyey in Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka uu noqdo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri: “Agaasimaha Hey’adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad”

Dhanka kale, Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Mahad Salaad oo maanta xilka ka degay ayaa u mahad celiyey madaxda qaranka, isagoo soo dhaweeyey magacaabidda agaasimaha cusub ee hey’adaas Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Iscasilaada hogaamiyihii hore ee NISA Mahad Salaad ayaa lala xiriirinayaa hamigiisa ku aadan inuu qabto xilka madaxtinimo ee maamulka Galmudug, isagoo xilka kala wareegaya Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor.

Mahad Salaad oo shalay macasalaameeyay shaqaalaha hay’adda Nabadsugida ayaa maalmahan ku jiray dadaal iyo diyaargarow ku aadan sida uu hanan lahaa xilkaas, waxaana la filaya in u taageero ka heli doono Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM