Marakaynka oo duqeyn ku dilay horjooge taabacsan Iran

Image
Weerarkan ayaa horseeday dilka horjooge ka tirsanaa guutooyinka Hezbollah.

Baqdaad (GO) - Militariga Mareykanka ayaa ku dhawaaqay weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Ciraaq, taasoo keentay in la dilo horjeege taageersan Iran oo ku lug lahaa weeraro lagu qaaday ciidamada Mareykanka.

Taliska dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa war uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in weerarkan uu ahaa mid jawaab u ah weerarrada lagu dilay askarta Mareykanka.

Weerarkan ayaa horseeday dilka horjooge ka tirsanaa guutooyinka Hezbollah oo mas’uul ka ahaa qorsheynta weeraro lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka.

War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray, "Ma jiraan wax khasaare soo gaaray dadka rayidka ah."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM