Maraykanka oo laga yaabo inuu wadahadallo la furo Al-Shabaab

Image

Washington, July 8, 2025 – Waxaa sii kordhaya suuragalnimada ah in dowladda Maraykanka ay bilaabato wadahadallo la xiriira kooxda hubeysan ee Al-Shabaab si loo soo afjaro colaadda muddada dheer ka socotay Soomaaliya, sida uu sheegay Hamza Warfa, oo horey u ahaan jiray la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Warfa oo wareysi siiyay Universal Somali TV ayaa sheegay in ay adag tahay lagana feker la’ yahay in lacag malaayiin doollar ah lagu sii shubo xalka milatari ee Al-Shabaab, iyadoo dadaalladaas aysan wax horumar ah ka soo bixin tobannaan sano.

“Waxay noqotay wax aan waaqici ahayn in la rumeysnaado in xoog milatari lagu xallin karo arrinta Soomaaliya,” ayuu yiri Warfa. “Waxay u muuqataa in maamulka Trump uu horeyba u bilaabay wada-xaajoodyo la xiriira Al-Shabaab, taasoo fursad u noqon karta in la soo afjaro colaadda.”

Warfa, oo sidoo kale ah diblomaasi hore oo Soomaaliyeed, ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu toddobaadyada soo socda la kulmo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump si uu ugu dhiirrigeliyo inay qaadaan tallaabooyin rasmi ah oo wadahadal ah.

Ujeeddada kulamadaas, ayuu sheegay, waa in la ilaaliyo danaha Maraykanka iyo in shacabka Soomaaliyeed – oo tobannaan sano dhibaatooyin kala kulmay dagaallada – loo abuuro fursad ay ku helaan nabad waarta.

Inkasta oo maamulka Maraykanka aanu si rasmi ah uga hadlin arrintan, hadalka Warfa ayaa muujinaya isbeddel suurtagal ah oo ku wajahan siyaasadda Washington ee ku aaddan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay adkaaneyso in la helo guulo muuqda oo milatari ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM