Mareykanka iyo Israel oo raba inay Falastiiniyiinta Gaza geeyaan Soomaaliya iyo Sudan

Image

WASHINGON - Wakaaladda AP ayaa qortay in Mareykanka iyo Israel ay xiriir la sameeyeen dowladaha Sudan iyo Soomaaliya, islamarkaana ay kala hadleen qorshahooda ah in dalkalkooda la geeyo Falastiiniyiinta laga soo saarayo Gaza.

Wadamadan ayaa lagu wargeliyay in Maraykanka iyo Israa’iil ay u kala qeybin doonaan labo milyan oo Falastiiniyiin ah, iyadoo arintan uu wado Donald Trump. Si weyn ayaa loo cambaareeyay qorshahan, waxaana horey u diiday Masar iyo Urdun.

Falastiiniyiinta Gaza ayaa sheegay in aysan doonayn qaxooti inay ku noqdaan dal kale, sidaas darteed ay doorteen inay ku dhintaan deegaankooda ama si sharaf leh ugu noolaadaan, xili Israel ay dishay 62,000 oo shacab ah 15-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shalay Qudus kula kulmay dhigiisa Israel, iyagoo kawada hadlay dagaalka Al-Shabaab, khatarta Xuutiyiinta iyo arrimo kale oo qorshaha Falastiiniyiinta lagu keenayo Bariga Afrika uu ku jiro.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa sheegay in wax xiriir ah Mareykanka iyo Israel kala soo sameynin arinta qaxootiga reer Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM