Mareykanka oo baaraya in dhakhaatiirta Cuba ay ku dhinteen duqeyn uu fuliyay

Image
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay in howlwadeenadan caafimaad ay si degdeg ah ugu dhinteen howlgalkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in duqeyn diyaaradeed ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Jilib ee koonfurta Soomaaliya, halkaasoo sida ay sheegeen Al-Shabaab ay ku dileen labo la heyste oo u dhashay dalka Kuuba, isla maalintaas duqeyn diyaaradeed.

Kooxda xagjirka ah ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay dileen labada la heyste oo ku jiray gacanta Al-Shabaab tan iyo bishii April ee sanadkii 2019-kii markaasoo maleeshiyada ay ka afduubteen degmada Mandheera ee waqooyi bari Kenya.

Labadan dhakhtar ayaa ka mid ahaa koox caafimaad oo Cuba u dirtay Kenya. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dhaqaatiirta ay “si deg deg ah” ugu dhinteen weerarka.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa VOA u xaqiijiyay in 15-kii February weerar dhanka cirka ah lagu qaaday Al-Shabaab meel ku dhow Jilib, sida ay sheegtay afhayeenka AFRICOM Lennea Montandon.

"Waan ka war-qabnaa wararka sheegaya in weerar lagu dilay laba qof oo rayid ah. Ilaa hadda ma hayno xog dheeraad ah oo ku saabsan wararkan, laakiin waxaan si dhab ah u qaadanaynaa dhammaan sheegashada khasaaraha rayidka ah,” ayay Montandon ku tiri farriin email ah oo ay u dirtay VOA.

"Talisku wuxuu sii wadi doonaa inuu qiimeeyo natiijooyinka hawlgalkan wuxuuna bixin doonaa macluumaad dheeraad ah sida la heli karo," ayay kusoo gabagabeysay hadalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM