Mareykanka oo iska fogeeyay duqeyn ay shaacisay Soomaaliya

Image
Howlgalkan ayaa ka dhacay buuraha Cal Madow, sidda dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay 26-kii bishan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in AFRICOM aysan ku lug lahayn howlgalka ka dhacay buuraha Cal Madow ee dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay 26-kii bishan.

Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay soo gaartey xogta weerarkaas balse waxa uu ka gaabsadey in uu fahfaahin dheeraad ah ka bixiyo cidda ka dambeysay. 

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay jiraan “qaraxyo” balse waxa uu sheegay in aysan jirin wax cadeynaya in qaraxyadaasi ay ka dhasheen duqeyn.

Maxamuud Ceydiid Dirir oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale waxa uu si adag ugu dooday in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku lug leedahay arrintan.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay “duqeyn” iyo saddex qarax ay ka dhaceen, waxayna xuseen in uu rumeysan yahay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Duul ee Cal Madow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM