Mareykanka oo ku biiray dalalka doonaya in la eryo Ra’iisul Wasaare Xamse

Image
Horaantii todobaadkan, Xamse ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee Mareykanka usoo diray Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa kusoo biiray wadamada doonaya in xilka laga qaado Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, sidda ay wararka sheegayaan.

Washington ayaa la aaminsan yahay in Xamse ay ku haysto taageerada uu u muujiyay ururka Xamaas ee Falastiin kaas oo ay dagaal kuwada jiraan maamulka Yahuuda.

"Mas’uulka kaliya ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee sida cad u taageeray Xamaas waa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, inkastoo inta badan wasiiradiisa ay taageersan yihiin Xamaas iyo Xuutiyiinta," ayay sheegeen Illo wareedyadda.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in Mareykanka uu fariintan la wadaagay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kuna goodiyay joojinta deeqaha.

"Si loo helo kaalmo dhaqaale, Maraykanku waxa uu ka dalbaday Xasan Sheekh in uu shaqada ka eryo Raysalwasaarihiisa, isaga oo ka digaya cunaqabatayn dhaqaale oo suurtagal ah, waxana uu tilmaamay in ay ka faa’iidaysan doonaan saamayntooda si ay uga hortagaan wax kasta oo kaalmo dhaqaale ah oo ay ka helaan xulafadooda gobolka Khaliijka haddii uu u hoggaansami waayo," ayay raaciyeen Illaha.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa kamid ah wadamadda taageerada joogtada ah siiya Soomaaliya isla markaana sameyn ku leh go'aanada madaxda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM